Xaqa ku noolaanshaha nolol fiican

Dhamaan hawlahan(firfircooni) iyo warbixinha qoraalkan waa bilaash(marka laga reebo dhawr) u baahanmaysid in aad sheegtid tobanka lambar ee aqoonsika dhalashada si aad uga qayb gashid. Ka feker waa hawlo(firfircooni) oo furan taas oo micnaheedu yahay in qof kasta uu tegi karo halkaas.

Jimicsi iyo caafimaad

Rugta warbixinta arimha caafimaadka waxa aad ka heli kartaa hawlo sida kooxaha is caawinta(sida qofku isagu isu caawiyo), socod, jimicsiga, joojinta koorasyo  sigaar joojinta,koorsooyin cuntada iyo jimicsi iwm. Laxiriir rugta warbixinta arimaha caafimaadka xaafadaada ama u tag si aad warbixin dheeraad ah u heshid.

Angered: 031-365 11 44
E-post: halsoteket@angered.goteborg.se
Adress: Kultivatorgatan 4 Box 34 424 21, Angered

Kortedala/Bergsjön: 031-365 44 70
E-post: anna.laursdotter.garpvall@ostra.goteborg.se
Adress: Kortedala Torg 1

Västra Frölunda: 031-3662864
Adress: Frölunda Kulturhus, Frölunda Torg

Rugta kutubta

Qof kasta wuu heli karaa in uu daynsado buug, filim iyo cajilado(kuwa wareegsan). Haddii aadan haysan cadayn qofka aad tahay ama cinwaan ma heli kartid kaarka daynsiga gaarka ku ah laakin rugta kitaabku waxa ay awoodaa in ay ku maarayso arin kaa “kaarka maamulka“ . Waydii shaqaalaha rugta kutubta ee makhalka taagan. kaarkan waxa aad kaloo u isticmaali kartaa in aad ku daynsatid isticmaalka kombiyuutarka iyo internetka. Haddii aad leedahay caruur, Iskuulka a yay ka soo daynsan iyaga oo isticmaalaya kaarka daynsiga ee iskuulka gaarka u ah. La xirii rugta kutubta xaafada aad degan tahay iyaga ayaa ku caawinaya.

Matxaf

Waxaa ku yaal magaalda Göteborg matxafyo sida Röhska museet, Sjöfartsmuséet iyo Världskulturmuséet. 40 karoon baad ku gadan kartaa kaar aad sanad ku geli kartid mid ka mid ah matxafyadan, gelitaanka caruurtu waa bilaash, matxafyadan wax ay leeyihiin inta badan qol fiican oo ay caruurtu ku ciyaaraan.

Dugsiyada xanaanada ee furan

Xaafad kasta waxaa ay leedahay dugsi xanaano oo furan. Halkaa baad u isu raaci kartaan adiga iyo caruurda yar yar kuwa da´doodu u tahay 0 ilaa 6 sano, halkaas oo aad ku wada heesi kartaan, ciyaari kartaan iyo kafee ku cabi kartaan. In badan oo dugsiyada xanaanda furan ah waxaa wada kaniisadaIswiidhan lakiin waa lagugu soo dhawaynayaa iyada oo aan la eegin waxa ay diintaadu tahay. Si aad u heshid dugsi xanaano furan oo kuu dhaw, waxa aad ka raadisaa google kuna raadi “öppen förskola+göteborg+(xaafada aad degen tahay).

Kaniisadaha

Tusaale ahaan kaniisado badan waxaa ku yaal kaafeteeriye iyo kooxo waxbarasho. Dhamaan waad ku soo dhawaan kartaa iyada oo aan la eegin waxa diintaadu tahay.

RFSL

RFSL waa uruka guud ee dhawra xuquuqda khaniisyada,dadka labada  jinsiba u galmooda iyo dadka bedalka ku sameeyay jinsigii ay ku dhasheen. RFSL waxa ay  ka shaqeeyaa si khaniisyada, dadka labada  jinsiba u galmooda iyo dadka bedelka ku sameeyay jinsigii ay ku dhasheen ay u heli lahaayeen mid la maid xuquuqda iyo waajibaadka dadka kale.
RFSL ee magaalda Göteborg waxaa ku yaal xarun lagu kulmo HaBit, halkaas oo aad tegi kartid si aad kaafee u soo cabtid ama ula kulantid mid ka mid ah shaqaalaha.
HaBit waxa ay furan tahay maalinta arbacada saacadaha 18.00 ilaa 21.00 iyo axada saacadaha 17.00 ilaa 20.00
Göteborg 031 138300
Borås  033-106970
Adress: Stora Badhusgatan 6, våning 9.

Stödnätet (Shabakada taagerada)

shabakada taageerada waa urur dhaqamada kala duwan ah kaas oo caawiya haweenka, caruurta, iyo dhalinyarada. tusaale ahaan halka waxa aad ka heli kartaa caawimaada xeerark ama sharciyada, caawimaad la xidhiidhida hey`adaha dawlada ama suurto gelin in aad la kulantid dadka kale.  031 – 331 21 79  ama 031 – 331 99 02

Ingen människa är illegal (Majiro bani´aadan sharci daro ah)

Ingen människa är illegal waxa ka shaqaysaa taageerida dadka aan sharciga lahayn ee  waaqica ah. Ingen människa är illegal waxa ay kugu caawin kartaa sida degaan, cunto, kaarka baska iyo tareenka magaalda gudaheeda iyo dhar. Waxa ay kaloo u qabanqaabiyaan caruurta dadka sharci la´aanta hawlo firfircooni ah iyo  kaam ama xero
070-437 75 24

Huldas hus (Guriga Huldas)

Guriga huldas waa meel lagu kulmo, halkaas oo kugu soo dhawaynaysa hawlo firfircooni leh iyo taageero. Tusaale ahaan aalbta maryaha ah, farshaxan, aqoonta kombiyuutarka iyo daryeel cafimaad. Guriga Huldes waxaad ka heli kartaa telefoon, kombiyuutar internet ku xiriirsan iyo dhar dhaqasho ama qubays 031 3679690

Ka feker:

Mar walba oo aad raacaysid bas ama tareenka magaalada gudaheeda waa in aad wada tid kaar shaqaynaya si aadan oga wel welin la kulanka shaqaalaha tigidhada baara